Wednesday, October 22, 2014 Wakhtiga Geeska Afrika 09:18

War / Soomaaliya

Nairobi: Yusuf Xasan oo Qarax ku Dhaawacmay

Yusuf HassanYusuf Hassan
x
Yusuf Hassan
Yusuf Hassan
Xildhibaan Yusuf Xasan Cabdi oo ah Mudane laga soo doorto degmaga Kamakunji ee magaalda Nairobi, ayaa ku dhaawacmay qarax bam salaaddii cishaha ka dib lagu weerarray maasaajidka Al-Hidaaya ee Xaafadda Islii.

Maxamed Ismaaciil  oo ah Xoghayaha xildhibaanka ayaa VOA u sheegay in Yusuf Xasan Cabdi uu qaraxu ka dhaawacay labada lugood iyo gacanta bidixda ah, waxaana uu intaa ku daray in bamka lagu tuuray xildhibaanka isagoo masaajidka hortiisa dadka uga jawaabayey su'aalo la xiriira doorashada soo socota ee Kenya.

Warar aan la xaqiijin ayaa sheegaya in laba qof ay weerarka ku dhinteen, hase ahaatee sida ay sheegeen dad goobjoogayaal ah waxaa qaraxa ku dhaawacmay in ka badan 10 qof.
 
Xaafadda Eastleigh oo ay ku nool yihiin Soomaalida ugu badan ee magaalda Nairobi, ayaa waxaa  dhawaanahan ka dhacay weerarro is dabajoog ah oo ay masuuliyiinta Kenya ku eedeeyaan inay ka danbeeyaan kooxda Alshabaab.
Qubanaha, VOA

Qubanaha, VOA

  • Idaacadda Subaxnimo
    30 min

    Idaacadda Subaxnimo

    Idaacadda Subaxnimo ee Saaka iyo Caalamka waxaad ku maqashaa wararkii...

  • Idaacadda Fiidnimo
    60 min

    Idaacadda Fiidnimo

    Idaacadda Fiidnimo ee Evening Edition waxaad ku maqashaan wararkii ugu danbeeyey...

  • Idaacadda Galabnimo
    60 min

    Idaacadda Galabnimo

    Idaacadda Galabnimo waxaad ku maqashaan wararka ugu danbeeya ee caalamka,...