Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Dad ku Dhintay Rabshadaha Hargeysa


Bannaabbaxyo rabshado wata ayaa tan iyo xalay ka socday magaalada Hargaysa. Ugu yaraan 2 qof ayaa dhintay ku dhowaad 10 kalena way dhaawacmeen.

Rabshadaha ayaa ka danbeeyey ka dib markii xalay lagu dhawaaqay natiijada hordhaca ah ee doorashada xubnaha golaha deegaanka ee degmada Hargeisa, iyadoo taageerayaal ka tirsan ururka Xaqsoor ay bilaabeen banaanbaxyo rabshado wata kuwaasoo illaa maanta ka socda magaalada Hargeysa.

Dhinaca kalena Guddoomiyaha Ururka Xaqsoor Xasan Ciise Jaamac ayaa ugu baaqay taageerayaashiisa inay xasilloonida dhowraan.

Guddoomiyaha ururka Xaqsoor iyo Madaxdhaqameed kale ayaa saaka qaar ka mida taageerayaasha ururka kula hadlay meel fagaare ah, kulankaa ka dib isagoo la hadlayey VOA ayaa waxa uu sheegay in doorashadii xubnaha Golaha Deegaanka ee Dagmada Hargeysa la boobay oo natiijada soo baxdayna aaney ahayn mid xaq ah.

Wareysiga Guddoomiyaha iyo wararka rabshadaha halka hoose ka dhageyso.

please wait

No media source currently available

0:00 0:09:50 0:00
XS
SM
MD
LG