Arbaco, Bisha Shanaad 04, 2016 Wakhtiga Geeska Afrika 02:55

    War / Soomaaliya

    Sharci Fududeynaya Xawaaladda Somalida Mareykanka oo loo Gudbiyay Aqalka Hoose Mudanayaasha

    Mudanayaal ka tirsan Aqalka Kongareeska Mareykanka ayaa dadaal ugu jira sidii xal sharci ah loogu heli lahaa arinta xawaaladaha Somalida Mareykanka

    x
    Mohamed Olad
    Laba mudane oo ka tirsan congresska Mareykanka ayaa shalay u gudbiyay congresska sharci ku saabsan xawaaladaha, kaasoo gacan ka geysanaya wax ka qabashada dhibaatooyinka lacag dirista ka heysta Somalida Mareykanka iyo dadyoowga kale ee dalkan ku nool ee eheladood lacagaha u dira.

    Mudane,  Keith Ellison oo laga soo doorto Gobolka Minnesotta ee ay Somalida degto oo ka tirsan xisbiga dimuquraadiga iyo Mudane  Erik Paulsen, oo isna isla gobolkaasi laga soo doorto, balse u ka tirsan Xisbiga Jamhuuriga ayaa sharcigan si wada jir ah u soo saaray.

    Madaxa hay’adda Somali Action Alliance Xaashi Shafi oo ka mid ah rag in muddo ahba olele ugu jiray sidii Xawaaladaha somalida Mareykanka ay u heli lahaayeen – macaamil Bangi oo rasmi ah, ayaa VOAda uga waramay sharciga.

    Qubanaha VOA

    Qubanaha VOA