Friday, November 28, 2014 Wakhtiga Geeska Afrika 00:44

War / Soomaaliya

Wasiiro iyo Xildhibaano Mar kale ka Badbaaday weerar

x
Wasiirro iyo xildhibaanno ka tirsan dowladda Soomaaliya ayaa maanta mar labaad ka bad-baaday weerar gaadmo ah oo lagu qaaday gaadiid kolonyo ah oo ay saarnaayeen kuwaasoo marayay meel u dhow degmada Shalaanbood, iyagoo ku sii socday magaalada Muqdisho.

Weerarkan ayaa waxaa la sheegayaa inay ku dhaawacmeen askar ka tirsan dowladda Soomaaliya. Waa weerarkii labaad ee muddo 24-saacadood ah lagu qaado kolonyadan, iyadoo shalay isla meel aaan ka fogeyn Shalaanbood weerar kan la mid ah wafdigaasi loo geystay.

C/qaadir Sheekh Maxamed Siidi oo ah guddoomiyaha gobolka Shabeellada Hoose ayaa VOA-da uga warramay sida weerarka maanta uu u dhacay.

Qubanaha VOA

  • Idaacadda Habeenimo
    60 min

    Idaacadda Habeenimo

    Idaacadda habeenimo ee Evening Edition waxaad ku maqashaan wararkii ugu danbeeyey...

  • Idaacadda Fiidnimo
    60 min

    Idaacadda Fiidnimo

    Idaacadda Fiidnimo ee Evening Edition waxaad ku maqashaan wararkii ugu danbeeyey...

  • Idaacadda Galabnimo
    60 min

    Idaacadda Galabnimo

    Idaacadda Galabnimo waxaad ku maqashaan wararka ugu danbeeya ee caalamka,...

  • Idaacadda Subaxnimo
    30 min

    Idaacadda Subaxnimo

    Idaacadda Subaxnimo ee Saaka iyo Caalamka waxaad ku maqashaa wararkii...