Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Burcadbadeedda Soomaaliya oo Siideysay 4 Korean ah


Saraakiisha wadanka Kuuriyada Koofureed ayaa sheegay in burcad-badeedda Soomaaliya ay sii deysay afar badmaaxe oo Korean ah oo ay heysteen muddo 19 bilood ah, kadib markii la bixiyey lacag madax furasho ah.

Saraakiil u hadashay Wasaaradd Arrimaha Dibadda ee Kuuriyada Koofure, ayaa sheegay maanta oo Sabti ah in wasaaraddu ay gacan ka geysatay wadaxaajoodka madax-furashada ee u dhaxeeyey milkiilayaasha markabka iyo burcad-badeedda Soomaaliya, hasee ahaate wasaaraddu waxa ay ka gaabsatay inay sheegto inta ay la egtahay lacagta lagu bixiyey siideynta afarta qof.

Badmaaxayaasha ayaa ka mid ahaa shaqaalaha markab weyn oo kuwa ganacsiga ah oo la yiraahdo MT Gemini, kaasoo 30kii bishii April ee sanadkii 2011kii lagu qabtay xeebaha Soomaaliya isagoo ka soo baxay wadanka Kenya kuna sii jeeday wadanka Malaysia

Todoba bilood ka hor ayey burcad-badeedda Soomaalidu waxa ay sii daayeen markabakii, hase ahaatee waxa ay jabiyeen hashiiskii ahaa in shaqaalaha oo dhan la sii daayo iyagoo la haray Afar u dhalatay wadanka Kuuriyada Koofure, halka ay ka sii daayeen kow iyo labaatan badmaaxe oo aan Korean aheyn.

Burcad-badeedda ayaa sii daysey badi shaqaalihii markabka kadib markii milkiilaha oo u dhashay wadanka Singapore uu madax-furasho u bixiyey lacag ah lix boqol oo milyan oo doolarka Maraykanka ah.
XS
SM
MD
LG