Isku xirrada

War Deg-Deg ah

HIV/AIDS oo Maanta Dunida Laga Xusay


Maanta oo kale 1da bisha December waa maalinta caalamiga ah ee loo asteeyay xanuunka HIV/Aids, waxaana xaflado wacyigelin iyo baraarujin u badan oo cudurka lagu xusayo ay ka dhacayaan meelo badan oo dunida ah.

Sida ay sheegtay Qaramada Midoobay, qiyaastii 34 million oo qof ayaa dunida oo dhan la nool HIV, iyadoo 2 milyan iyo barna uu haleelay sanadkii la soo dhaafay oo kaliya.

Xarumaha la socodka xanuunka ee dalkan mareykanka ayaa sheegaya in si weyn uu cudurka kor ugu sii socdo, gaar ahaan dhalinyarada, iyadoo bil walba 1,000 qofood laga helo infekshanka .

Dhinaca kale dalalka Qaarada Africa oo uu cudurkan si weyn fara ba’an ugu hayay ayaad moodaa in sidii hore ay ka soo yara reynayaan.

Wareysi aan arintaasi kala yeelanay Dr. Cabdi Axmed Gaas oo ah dhakhtar Somaliyeed oo ku taqasusay cudurada good oo ku suggan Magaalada London, halka hoose ka dhageyso.

please wait

No media source currently available

0:00 0:05:28 0:00
XS
SM
MD
LG