Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Cabdikariin: Gobalada Maamullo KMG ah Ayaan u Sameynaynaa


Wasiirka Arrimaha Gudaha ee Soomaaliya Cabdikariin Xuseen Guuleed oo shalay booqasho ku tagay magaalada Baladweyne ee gobalka Hiiraan, ayaa sheegay in dowladdu ay gacanta ku hayso hanaankii ay maamul dadku raali ka yihiin ugu sameyn lahayd gobalda dalka, ka horna ay gobalada dowladdu ka taliso ay u sameyn doonto maamullo ku meel gaar ah.

Wasiirka ayaa intii uu joogay Baladweyne waxa uu la kulmay masuuliyiinta gobalka iyo ciidamada AMISOM, waxa uuna kala hadlay amaanka gobalka iyo sidii looga hortagi lahaa dilalka qosheysan ee loo geysto dadka rayidka ah iyo waxgaradka gobalka.

Mudane Cabdikariin Xuseen Guuleed ayaa markii uu ka soo laabtay safarkiisii Baladweyne waxa uu VOA siiyey wareysi dhinacyo badan taabanaya, waxaana Falastiin Axmed Imaan oo wareysatay ay waydiisay ujeedada socdaalka uu Baladwene ku tagay.

Wareysiga oo ku bilaabanaya jawaabta wasiirka halkan hoose ka dhagayso.

please wait

No media source currently available

0:00 0:04:54 0:00
XS
SM
MD
LG