Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Dad Careysan oo Ku Baanbaxay Mursi


Dad dibadbaxayey oo ka soo horjeeda madaxweynaha Masar Maxamed Murs,ayaa maanta isgu soo baxay Fagaaaha Taxriir ee magaalada Qaahira, saacado ka dib markii madaxweynuhu uu garsoorayaasha wadanka ugu sareeya ku wargaliyey in wareegtadii uu awoodaha kula wareegay aanu dib uga noqoneyn.

Goor hore oo maanta oo Talaado ah, ayaa dad careysan oo mudaharaadeyey oo tuurayey dhagaxaan iyo dhalooyin holcaya waxa ay isku dhaceen booliiska, iyagoo caro kala horyimid wareegtada uu madaxweynu awoodaha kula wareegay.

Mr. Mursi ayaa bishan November 22keedii wareegto uu soo saarey kula wareegay awoodo, iyadoo go’aanka maaxweynaha aan maxkamadu ka hor imaan karin.

Kooxha mucaradka ayaa dalbaday in Madaxweyne Mursi uu ka noqdo wareegtaddiisa, waxa ayna ku eedeeyeen Mursi inuu isku dayayo inuu yeesho awoodo kali telisnimo sida kuwii madaxweynihii isaga ka horeeyey ee mudada xukunkahayey Xusni Mubaarek, kaasoo sandkii hore xukunka looga tuuray kacdoonkii shacbiyadda lahaa ee ka dhacay dalka Masar.
XS
SM
MD
LG