Waxaa maanta ku eeg ololihii doorashooyinka golayaasha deegaanka Somaliland kuwaasoo soo socday 28-kii maalmood ee la soo dhaafay. Doorashada ayaa dhacaysa Maalinta Arbacada 28-ka Bisha.
Maxamed Axmed Geelle, Afhayeenka guddiga doorashada Somaliland ayaa VOA u sheegay in laba maalmood ee soo socota la nasan doono si maanta arbacada ah loogu diyaargaroobo doorashooyinka goloyaasha oo ka dhici doono 6 gobol oo ka tirsan Somaliland.
Afhayeenku wuxuu sheegay in haatan ay bilaabeen inay sanduuqyadii codadka geeyaan meelaha ay doorashooyinku ka dhici doonaa.