Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Bangladesh: 100 qof oo ku Dhintay Dab ka Kacay Warshad


In kabadan 100 qof ayaa dhintay kadib markii uu dab qabsaday warshad ku taalla meel u dhow caasimadda Bangladesh ee Dhaka.

Saraakiisha ayaa sheegay in dadkan dhintay ay yihiin shaqaale ka shaqeynayay warshad dharka sameysa, iyadoo dadka dhintayna ay u badan yihiin dumar.

Saraakiisha ayaa shegay in dabkani uu ka bilowday dabaqa koowaad ee daar dheer oo ka kooban 9 dabaq habeennimadii Sabtida ahayd.

Qaar badan oo ka tirsan shaqaalaha warshadda ayaa ku xayirmay gudaha daartaasi markii u dabku kacay, iyadoo kuwo kalena ay daartaasi iska soo tureen.

Ilaa hadda ma cadda waxaa dabkaasi dhaliyay.

Dalka Bangladesh waxaa ku yaalla in kabadan 4 kun oo warshadood kuwaasoo dhar u sameeyo shirkaddaha caalamiga ah ee dharka soo saara.
XS
SM
MD
LG