Wednesday, November 26, 2014 Wakhtiga Geeska Afrika 01:56

War / Soomaaliya

Alshabaab oo Weerartay Mas'uulyiin ka Tirsan Dowladda iyo AMISOM

x
Sahra Abdi
Masuuliyin ka tisran dowladda Soomaaliya iyo AMISOM oo marayey inta u dhaxeysa deegaanada Yaaq-Bariweyne iyo Leego oo ka tirsan gobalka Shabeelada Hoose, ayaa weerar ku qaadday maleeshiyada Alshabaab.

Weerarka ayaa waxaa ku dhaawacmay guddoomiyaha gobalka Shabeellada Hoose Cabdulqaadir Maxamed Nuur Siiddii. Sidoo kale waxaa weerarka ku dhaawacmay afar askari oo laba ay Soomaali tahay labada kalena ay yihiin AMISOM.

Guddoomiye Siiddii  oo la hadlay Idaacadda VOA, ayaa sheegay in dhaawaca uu soo gaaray uu yahay mid fudud ayna iska caabiyeen weerarkii gaadmada ahaa ee lala eegatay.

Wareysiga oo dhan ka dhageyso qeybtan hoose.

Qubanaha VOA

  • Idaacadda Habeenimo
    60 min

    Idaacadda Habeenimo

    Idaacadda habeenimo ee Evening Edition waxaad ku maqashaan wararkii ugu danbeeyey...

  • Idaacadda Fiidnimo
    60 min

    Idaacadda Fiidnimo

    Idaacadda Fiidnimo ee Evening Edition waxaad ku maqashaan wararkii ugu danbeeyey...

  • Idaacadda Galabnimo
    60 min

    Idaacadda Galabnimo

    Idaacadda Galabnimo waxaad ku maqashaan wararka ugu danbeeya ee caalamka,...

  • Idaacadda Subaxnimo
    30 min

    Idaacadda Subaxnimo

    Idaacadda Subaxnimo ee Saaka iyo Caalamka waxaad ku maqashaa wararkii...