Tuesday, October 21, 2014 Wakhtiga Geeska Afrika 19:40

War / Afrika

Masar: Mucaaradka oo Kordhiyay Diidmada Go'aankii Morsi

x
Hussein Sahnuni
Mucaaradka Masar ayaa sii wada dibadbaxyada iyo diidmadooda ku aadan wareegtadii uu madaxweyne Morsi isku siiyay awoodda cusub, waxayna teendhooyin ka sameysteen fagaaraha Taxriir ee Qaahira.

Wareegtada madaxweynuhu soo saaray ayaa awood dheeraad ah siinaysa madaxweynaha iyo inaan cidna ka hor-iman karin go'aannada madaxweynaha qaato. Mucaaradka ayaa arrintaasi ku tilmaamay "kali-talisnimo" waxayna  shalay ilaa xalay sameeyeen dibadbaxyo rabshado wata oo magaalooyinka qaarkood ay ku gubeen xafiisyo uu  leeyahay ururka Akhwaan Muslimiiin.

Madaxweyne Morsi ayaa difaacay go'aankiisa, isagoo sheegay inuu yahay mid uu doonayo in lagu ilaaliyo kacdoonkii Masar, isla markaa uu dalka Masar ku hoggaaminayo wadadii "Xornimada iyo Dimoqraadiyada"

Maanta Qaahira waxaa ku kulmaya golaha xukuumadda oo ka arrinsanaya wareegtada madaxweynaha. 

Dhinaca kale, mucaaradka ayaa ku baaqay in maalinta Talaadada ah la isugu yimaado dibadbax ay ka qeybgalayaan hal Malyuun oo qof oo looga soo horjeedo go'aanka Morsi, kana dhini doona fagaaraha Taxriir ee Qaahira oo ahayd goobtii xudunta u ahayd kacdoonkii lagu ridday Madaxweynihii hore ee Mubaarak
Qubanaha, VOA

Qubanaha, VOA

  • Idaacadda Galabnimo
    60 min

    Idaacadda Galabnimo

    Idaacadda Galabnimo waxaad ku maqashaan wararka ugu danbeeya ee caalamka,...

  • Idaacadda Subaxnimo
    30 min

    Idaacadda Subaxnimo

    Idaacadda Subaxnimo ee Saaka iyo Caalamka waxaad ku maqashaa wararkii...

  • Idaacadda Fiidnimo
    60 min

    Idaacadda Fiidnimo

    Idaacadda Fiidnimo ee Evening Edition waxaad ku maqashaan wararkii ugu danbeeyey...