Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Faqidaadda: Rabshadihii ka Dhacay Gaarisa iyo Islii


Barnaamiika Faqidaadda Todobaadka waxaan ku saabsan rabshadihii ka dhacay Gaarisa iyo xaafadda Islii ee Nairobi. .

Rabshadaha ka dhacay Islii ayaa dhashay markii Axaddii uu Islii ka dhacay qarax bus oo ay ku dhinteen 7 qof. Dhalinyaro caraysan ayaa boobay oo weeraray goobaha iyo ganacsiga Soomaalida ee xaafadda Islii, waxaana shilkaasi ku dhintay 2 Soomaali ah.

Rabshadaha magaalada Gaarisa ayaa bilowday markii 3 ka tirsan militariga Kenya halkaasi lagu dilay, kadibna ay ciidamada militarigu ku qamaameen dadka Gaarisa degan iyadoo lagu eedeynayo ciidanka Militariga inay gubeen suuqii weynaa ee Gaarisa.

Haddaba barnaamijkan ayaa ka hadlaya rabshadahaasi iyo saameynta ay abuureen.
Waxaa arrimahaasi ka dooddaya, Faarax Macalin, Guddoomiye kuxigeenka Baarlamaanka Kenya, Yusuf Xasan oo ka tirsan baarlamaanka iyo C/rashiid Khaliif oo ka tirsan hay'adda ICG.

Barnaamijka oo dhan ka dhageystaa qeybta hoose.

please wait

No media source currently available

0:00 0:37:35 0:00
XS
SM
MD
LG