Isku xirrada

War Deg-Deg ah

QM oo Qaraar ka Soo Saartay Burcad-badeedda Somalia


Qaramada Midoobay ayaa sheegtay inay aad uga walaacsantahay khatarta sii socota ee ay burcad badeedda ku heyso Maraakiibta mareysa xeebaha Somalia, shaqaalaha saaran iyo gaarsiinta gargaarka bani aadnimo ee Somalia iyo gobolkaba.

Qaraaka Qaramada Midoobay ayaa maanta oo khamiis ah lagu sheegay in goluhu uu ka welwel qabo caruur la sheegay inay ku lug leeyihiin howlaha burcad- badeednimo ee Somalia.

Goluhu waxuu ku tilmaamay arin muhim ah, wax ka qabashada burcad-badeednimada iyo in kuwa ku lugta leh ee la qabto la saaro maxkamad, si looga hor tago in burcad badeednimada ay sii baahdo.

Qaramada Midoobay waxey ugu baaqday beesha caalamka in doorkooda ay ka qaataan sidii loola xisaabtami lahaa shabakadaha ku lugta leh maalgelinta, ka faaideysiga iyo abaabulka weerarada burcad badeednimo.

Goluhu waxuu dib u xaqiijiyay madaxbanaadida dhuleed iyo midnimada Somalia, xuriyadda siyaasadeed iyo xaqqa Somalia ay u leedahay in la xurmeeyo xeebaheeda iyo qeyraadka ku jira, isla markaana la baaro kaluumeysiga sharci darada ah ee ka socda xeebaha Somalia, iyo tuhunno la xiriira in haraaga wasakhda warshadaha lagu shubo xeebaha Somaliya.

Qaraarka ka soo saartay Qaramada Midoobay arimaha burcad badeedda Somalia oo aad u dheeraa ayaa sidoo kale waxay ku sheegtay in Qaramada Midoobay ay ka taageereyso Somalia dhinaca ammaanka iyo dhismaha nidaamka dowliga ah, kuwaas ay ku sheegtay inay gacan ka geysan karaan cirib tirka burcad badeednimada.
XS
SM
MD
LG