Khamiis, Bisha Shanaad 07, 2015 Wakhtiga Geeska Afrika 05:35

War / Afrika

Laba Booliiska Kenya ah oo Lagu Dilay Bartamaha Gaarisa

x
Wararka ka imaanaya magaalada Gaarisa ee gobalka Wuqooyi-bari ee dalka Kenya ayaa sheegaya in laba askari oo ka tirsan ciidanka amaanka ay rag hubeysani ku toogteen bartama magaalada.

Labadan askari oo ka mid ahaa qeybta sirdoonka ee booliiska Kenya, ayaa lagu toogtay bartamaha Suuq Mugdi ee magaalada Gaarisa, xilli ay gudnayeen howlahooda shaqo.

Ciidamada Aamaanka ee Kenya ayaa lagu soo daadiyey wadooyinka magaalda iyagoo wada howl gallo ay ku baadi goobayaan dadkii ka danbeeyey dilka labada askari, shacabka ku dhaqan magaaladuna waxa ay baneeyeen gooabaha ganacsiga cabsi darrteed.

Wariyaha VOA Maxamed Faarax Shire oo la hadlay ciidanka booliiska ee magaalada Gaarisa, ayaa sheegay in aaney jirin ilaa iyo hadda cid loo qabtay dilka labada askari, balse ay ciidmadu ku daba jiraan kuwii weerarka geystay.

Vidoe: Safarka Kerry Somalia

JavaScript wuu kaa dansan yahay ama waxaad haysataa Adeegga Flash Adobe Player oo qadiim. soo hel Flash player ugu danbeeyay.
Video: Safarka Kerry ee Somaliai
|| 0:00:00
...  
🔇
X
05.05.2015 20:28

Barnaamijyada Idaacadda