Jimco, Bisha Shanaad 06, 2016 Wakhtiga Geeska Afrika 08:28

    War / Soomaaliya

    Britain oo Soo Dhaweysay Ansixinta Golaha Wasiirada

    Dowladda Britain ayaa talaabo wanaagsan ku tilmaantay, soona dhaweysay ansixinta golaha Wasiirada Somalia

    Mark Simmonds PhotoMark Simmonds Photo
    x
    Mark Simmonds Photo
    Mark Simmonds Photo
    Wasiirka Arimaha Africa ee Britain Mark Simmonds ayaa soo dhaweeyay ansixintii golaha baarlamanka ee Somalia ay shalay ansixiyeen golaha cusub ee wasiirada oo markii ugu horeysay taarikhda Somalia ay ku jiraan laba dumar ah jagooyin sar sare haye.
     
    Mr. Simmonds ayaa sheegay in dowladda Britiaan ay u aragto go’aankan uu qaatay Baarlamanka Somalia mid ku hogaaminaya dariikha isbedelka ay Somalia istaahisho.
     
    Waxa uu sheegay in  dowladda Britain ay ka dhur sugeyso inay si dhow ula shaqeeyso golaha cusub ee wasiirada Somalia.
     
    Waxa uu sheegay in golaha ay hor  yaalaan caqabado badan, hase yeeshee uu u xaqiijinayo sida dowladda Britain ay uga go’antahay inay kala shaqeyso dowladda, wax ka qabashada waxyaabaha madaxweynaha sheegay inuu ahimiyadda siinayo: sida xoojinta amaanka, cadaaladda, horumarinta dib u heshiisiinta, soo nooleynta dhaqaalaha iyo xoojinta maareynta hantida dadwynaha.