Monday, October 20, 2014 Wakhtiga Geeska Afrika 16:00

War / Soomaaliya

MSF oo Joojisay Adeeggii Caafimaad ee Baladweyne

x
Hay'adda MSF ayaa Joojisay adeegyadii caafimaad ee Isbitaalka Baladweyne ee gobalka Hiiraan, ka dib markii ay sheegtay inay ka soo saartey xaaladdii deg degga aheyd ee Isbitaalkaasi uu kusoo jirey lixdii sano e la soo dhaafay.

Agaasimaha Isbitaalka Beledwyne Axmed Maxamed Khaliif ayaa sheegay in lixdii sano ee ay hay'addu ka shaqaynaysay Isbitaalka Baladweyne ay wax badan ka qabatay xaaladda caafimaad ee deegaanka mahadna ay mudantahay.  Agaasimaha ayaa wariyaheenna Sahra Abdi Ahmed u sheegay inaysan jirin wax dhibaato ah oo ay hay'addu uga baxayso magaalada,

Dhinaca kalena Warbixin ay soo saartay Hay’adda MSF ayaa  lagu sheegay in la ogaaday nooc ka mid ah bacteria da cudurka TB da oo adkaysi u leh daawada lagula tacaalo cudurkaasi kadib markii baaritaan lagu sameeyey wadamo dhowr ah. Baaritaanka qaaxada cusub ayaa muuiyey in degdeg loogu baahan yahay in wax laga qabto dhibaatada nooc ka mid ah cudurka qaaxada,

Warbixin iyo wareysi arrintaa la xiriira hoos ka dhageyso.

Qubanaha, VOA

Qubanaha, VOA

  • Idaacadda Subaxnimo
    30 min

    Idaacadda Subaxnimo

    Idaacadda Subaxnimo ee Saaka iyo Caalamka waxaad ku maqashaa wararkii...

  • Idaacadda Fiidnimo
    60 min

    Idaacadda Fiidnimo

    Idaacadda Fiidnimo ee Evening Edition waxaad ku maqashaan wararkii ugu danbeeyey...

  • Idaacadda Galabnimo
    60 min

    Idaacadda Galabnimo

    Idaacadda Galabnimo waxaad ku maqashaan wararka ugu danbeeya ee caalamka,...