Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Madaxii Hay'adda CIAda Mareykanka oo is Casilay


 Gen. David Petraeus
Gen. David Petraeus

Madaxii hay’adda sirdoonka Mareykanka, General David Petraeus, ayaa si lama filaan ah isaga casilay jagadaasi.

Madaxii hay’adda sirdoonka Mareykanka, General David Petraeus, ayaa si lama filaan ah isu casilay, Isagoo sheegay in uu muujiyay go’aanqaadasho liidata, taasina ay tahay waxaan laga aqbali Karin hogaamiye.

Generalka Howlgabka ah oo Mareykanka ay ku amaanaan doorkii hogaaneed ee uu ku lahaa dagaalkii ciraaq, ayaa warqad uu shalay u qoray shaqaalaha hay’adda CIDa ku sheegay in warqadiisa is casilaadda uu shaqsiyan u gudbiyay madaxweyne Obama khamiistii la soo dhaafay.

Warbaahinta dalkan Mareykanka ayaase warineysa in Generalka laga yaabo inuu isu casilay arin ku saabsan xiriir kala dhaxeeyay haweeney aan xaaskiisa aheyn.

Arintan ayaa soo ifbaxday ayey warbaahintu leedahay markii hay’adda dambi baarista ee FPIda ay baaris ku bilowday, haweeney wariye ah oo la yirahdo Paula Broadwell, oo qortay buug ay kaga hadleyso nolosha Generalka, iyadoo isku dayeysay sida la tuhunsanyahay, inay galaangal u hesho warbixinno – sir ah iyo Furaha Emailka qaaska ah ee Generalka.

Warbixinadu waxey leeyihiin, in Broadwell ay ku dhawaad galaangal aan xad laheyn u laheyd la kulanka General Petraeus markii uu ku sugnaa dalka Afghanistan.

Laakiin FBIda ma aysan magacaabin Broadwell, inay tahay qofta uu General Petraeus xiriirka kala dhaxeeyay, generalka laftirkiisu wax magac ah ma sheegin.

General Petraeus oo 60- sano jir ah muddo 37 sanadood ah ka tirsanaa ciidamada Milatariga Mareykanka, isagoo noqday mid ka mid ah saraakiisha mitariga ee dunida ugu wanaagsan, ka hor inta uusan shaqada ka fariisan oo uusan noqon madaxa CIAda sanadkii la soo dhaafay

Isaga iyo xaaskiisa ayaa waxey leeyihiin laba caruur ah, wiil iyo gabar. Wiilkooda waxuu sidoo kale ku biiray ciidamada, waxuuna ka soo shaqeeyay Afghanistan, halka Holly Petraeus ay gacan siineysay qoysaska ciidamada, shaqo ay u heyso maamulka Obama.
XS
SM
MD
LG