Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Dagaal Dhimasho Dhaliyay oo ka Dhacay Leego


Ciidamada Dowladda Soomaaliya
Ciidamada Dowladda Soomaaliya
Ugu yaraan 4 qof ayaa dhintay kaddib markii dagaal xooggan uu deegaanka Lego ee gobolka Shabeellada Hoose ku dhexmaray ciidamada dowladda oo ay weheliyeen kuwa AMISOM iyo maleeshiyada ururka al-Shabaab.

Dadka dhintay ayaa waxay ka tirsanayaayeen dhinacyada dagaallamay.

Dagaalkan oo sidoo kale dhaliyay tiro dhaawac ah oo aan la garanayn ayaa wuxuu bilowday ka dib markii maleeshiyada al- Shabaab ay weerar gaadmo ah ku qaadeen fariisimo ay ciidamada dowladda iyo kuwa AMISMO ku leeyihiin degaanka Lego.

Dowladda Soomaliya iyo AMISOM ayaa maalmahanba waday dadaal ay ku doonayaan inay isku xiraan waddooyinka isku xira Muqdisho, Shabeellada Hoose, Bay iyo Bakool.
XS
SM
MD
LG