Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Madaxweyne Obama oo Dib loo Doortay


Madaxweyne Barack Hussein Obama ayaa mar kale 4 sanno dib loogu doortay jagada madaxtinimada Maraykanka kaddib markii uu helay in kabadan 303 codadka electoroolka ee doorashada Maraykanka.

Musharraxa Mitt Romney ayaa isagu helay 206 codad.


Madaxweyne Obama ayaa ku guuleystay gobollada sida weyn loogu loolamay ee Ohio, Wisconsin, Iowa, Colorado, Nevada, Virginia iyo 15 gobol oo kale iyo waliba degmada DC, halka Romney uu ku guuleystay 24 gobol oo ay ku jiraan labada gobol ee muhiimka ahaa ee Indiana iyo North Caroline.

Mitt Romney ayaa ogolaaday in doorashada looga guuleystay. khudbad uu ka jeediyay Romney Boston, Massachusetts, wuxuu u hambalyeeyey madaxweyne Barack Obama guusha uu helay, wuxuuna yiri in Maraykanka ay wakhtigan horyaallaan caqabaddo badan, isagoo xusay inuu rajaynayo in madaxweynuhu uu si guul leh uu Maraykanka u hoggaamin doono.

Madaxweyne Obama ayaa khudbaddii guushiisa ka jeediyay fagaare ku yaalla Chicago, isagoo u mahadceliyay dhammaan intii gacan ka geysatay dib u soo doorashadiisa. Obama wuxuu balanqaaday inuu isagoo la shaqeynaya hoggaamiyahaasha xisbiga Jamhuuriga ee aqalka congress-ka inuu yareyn doono kharashka miisaaniyadda dowladda, hagaajin doono habka canshuuraha iyo inuu isbeddel ku samayn doono sharciyadda dadka muhaajiriinta ah.


Aqalka congress-ka waxaa madax ka sii noqanaya Xisbiga Jamhuuriga oo ku guuleystay kuraas badan, halka xisbiga Dimoqraadiguna uu madax ka sii ahaan doono aqalka Senate-ka.

Gobolka Florida oo ka mid ah gobollada muhiimka ahaa ayaan wali lagu dhawaaqin oo labada dhinac ay isku dhow yihiin.

Doorashadan Maraykanka waxay ahayd mid si weyn loogu tartamay, iyadoo ololaha ay labada dhinac wadeen uu ahaa mid ka mid ah ololihii ugu qaalisanaa ee soo mara Maraykanka.

Madaxweyne Obama oo afar sanno horteed la soo doortay ayaa sheegay inuu doonayo inuu sii wado qorshihiisa ku aadan dib u soo nooleynta dhaqaalaha Maraykanka.
XS
SM
MD
LG