Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Wakhti Kordhin Kooban oo loo Sameeyay AMISOM


Ciidamada AMISOM oo ku sugan meesha uu dabku ka dhacay.
Ciidamada AMISOM oo ku sugan meesha uu dabku ka dhacay.
Ciidamada AMISOM ayaa Arbacadii shalay muddo 7 cisho ah loogu kordhiyay wakhtiga howgalkooda Soomaaliya.

Augustine Mahiga, wakiilka XGQM ee Soomaaliya ayaa shir jaraaid oo ku qabtay Muqdisho sheegay in sababta 7 cisho oo kaliya loo kordhiyay wakhtiga AMISOM ay ugu wacan tahay duufaantii New york ku dhufatay toddobaadkan oo qasabtay in Golaha Amnigu yeelan waayo kulamadii caadiga ahaa, taasina ay keentay in goluhu shir kooban ku yeesheen meel ka baxsan xarunta QM halkaasoo uu muddo 7 cisho ah si kooban ugu kordhiyay wakhtiga AMISOM ee Soomaaliya.

Mahiga ayaa sheegay in la filayo in Golaha Amnigu uu toddobaadka danbe si buuxda u kulmo si uu muddo sannad ah ugu kordhiyo howlgalka ciidamada midowga Afrika ee ku sugan Soomaaliya.

15 dal oo xubno ka ah Midowga Afrika ayaa codsaday in dib u eegis lagu sameeyo cunaqabateynta hubka ee saarneyd Soomaaliya 20-kii sanno ee la soo dhaafay si ay dowladda Soomaaliya awood ugu yeelato inay sii wiiqdo awoodda ururka Al-shabaab.
XS
SM
MD
LG