Wednesday, May 22, 2013 Wakhtiga Geeska Afrika 22:54

War / Soomaaliya

Soomaali ku Dhimatay Xajka Sannadkan

Ilaa iyo afar xaaji oo ka mid Soomalida sanadkan xajisay ayaa ku geeriyooday Sacuudiga, iyadoo xaaladii ay ku guteen xajkana ay adkeyd.

Haj-2Haj-2
x
Haj-2
Haj-2
Qiyaasta qoraalka - +
Wararka ka imanaya dalka Sucuudi Carabiya ayaa sheegaya in tirada dadka Soomaalida ah ee ku dhimatay Xajka  sannadkan ilaa haatan ay marayso 4 qof. Laba ka mid ah dadkaasi ayaa ku dhintay shilal baabuur.

Dhinaca kale, dadka ka soo xajiyey Soomaaliya ayaa lagu soo warramayaa inay ku sugan yihiin duruufo adag oo dhinaca nolosha iyo nadaafadda ah.

Cusmaan Axmed Sheekh oo ka mid ah Soomaalida ka xajiday gobolka Minnesota oo soo arkay dadkii  xajiyey ayaa VOAda uga waramay xaaladda xujeyda Soomaalida.