Monday, May 20, 2013 Wakhtiga Geeska Afrika 19:20

War / Soomaaliya

Wareysiyo La xiriira Xukunkii Minnesota Ka Dhacay

 Mahamud Said Omar Mahamud Said Omar
x
 Mahamud Said Omar
Mahamud Said Omar
Qiyaasta qoraalka - +
Maxkamad ku taala Gobolka Minnesota  ee dalkan Mareykanka  ayaa ku heshay Maxamud Sayid  Cumar oo ka mid ah Soomalida gobolka deggan 5 dambi oo argagixiso oo ay ku jireen inuu gacan ka geystay in dhalinyaro gobolka ka tagay ay ku biiraan kooxda Al-shabab ee Somalia.

Maxamud Cumar  waa 46 jir.

Harun Macruf ayaa hadaba xukunkaasi ka wareystay Xeer Ilaaliyaha Gobolka Minnesota, Todd Jones. Wareysigaasi oo ay inoo koobayaan Maxamed Colaad Xassan iyo Cabdullah i Nuur Kolombo, Waxuu Harun ugu horeyn weydiiyay Todd Jones inuu ka hadlo xukunka ku dhacay Maxamud Sayid Cumar.


Dhinaca kale Harun Macruf ayaa sidoo kale ka wareystay xukunkaasi Maxamed Sayid Cumar oo la dhashay Ninka dambiyada lagu helay ee Maxamud Sayid Cumar, waxuuna ugu horeyn weydiiyay si ay u arkaan go’aanka ay maxkamaddu Gaartay.