Madaxweyne Xasan oo magacaabay Ra'iisul-wasaare
Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa goor dhaweyd ku dhawaaqay shaqsiga noqonaya ra'iisul-wasaaraha cusub ee Soomaaliya, wuxuuna u magacaabay Cabdi Faarax Shirdoon Saacid.
Ra'iisul wasaare Saacid
Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa ra'iisul-wasaare u magacaabay Cadi Faarax Shirdoon Saacid.
Saacid waa nin ganacsade ah oo deganaa magaalada Nairobi.
Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa magacaabista ra'iisul-wasaaraha kaga dhawaaqay xaflad ka dhacday xarunta madaxtooyada ee magaalada Muqdisho.
Ra'iisul-wasaare Saacid ayaa magacaabistiisa kaddib sheegay inuu aad ugu faraxsan yahay xilka loo magacaabay, isagoo sheegay inuu soo dhisi doono xukuumad tayo leh oo dalkana nabad ku soo dabaasha sidoo kalena la dagaallanta musuq-maasuqa.
Dhageyso Taariikh Nololeedka Ra'iisul-wasaare Saacid