Tuesday, May 21, 2013 Wakhtiga Geeska Afrika 22:29

War / Soomaaliya

Madaxda Caalamka oo Ku Baaqday In La Taageero Somalia

Qiyaasta qoraalka - +
Mohamed Olad
Madaxda caalamka ee ka qaybgalaysa shirka Golaha Guud ee Qaramada Midoobay ayaa ku baaqaya in la garab istagao dawladda cuusb ee Soomaaliya.

Madaxweynayaasha Afrikaanka oo uu ka mid ah madaxwyenaha Afrikada Koonfureed Jacob Zuma ayaa sheegay in waa cusub u baryey Soomaaliya, caalamkana fursad u bannaan tahay. Xoghayaha Arrimaha Dibedda ee Midowga Yurub Catherine Ashton ayaa iyadu sheegtay inay waajib tahay in gurmad degdeg ah loo diro Soomalaiya afarta bilood ee soo socota.

Dhinaca kalena Xoghayaha Arrimaha Dibedda ee Maraykanka Hillary Clinton ayaa sheegtay in Maraykanku uu taageerayo dawladda cusub.

Sidoo kale hogamiyayaasha  ayaa sheegay in   doorashada  madaxweeynaha  cusub  ee  Somalia  ah  ay ku jiraan fursado  taariikhi ah oo  ah  sidii Soomaaliya loogu soo  dabaali lahaa Nabad iyo  xasilooni.

Madaxda  ku sugan Qaramada Midoobay ayaa sheegay in beesha   caalamkuna  ay  wajib ku  tahay inay gacan ku siiso hoggaanka cusub ee Soomaaliya, fulinta waajibaadka horyaala.