Waxaa haatan soo gabagaboobay wareegii 1aad ee doorashada Madaxtinimo Somalia ee ka socota dugsiga sare ee booliska ee Magaalada Mogadishu.
Waxaa la bilaabay tirinta codadka. waxaana xildhibaanada Somalia ay u kala codeynayaan22 murashax oo u taagan xilka madaxweynenimada.
waxaana ka qeyb galay Mas’uuliyiin ka socoto beesha caalamka Safiiro ka socodo Wadamada safaaradaha ku leh Soomaaliya Xildhibaano Ambaassadoor Mihiige iyo marti sharaf kale.