Thursday, May 23, 2013 Wakhtiga Geeska Afrika 20:22

War / Soomaaliya

Shariif: Xukuumaddu Qaraar ma soo Saari Karto

x
Qiyaasta qoraalka - +
Madaxweynaha Soomaaliya Shariif Sheekh Axmed oo maanta Muqdisho ku noqday ayaa sheegay in golaha wasiiradda ee xukuumadda Somalia aysan shaqo ku  lahayn wareegto uu dhawaan soo saaray oo uu degmooyin ku magacaabay, taasi oo golaha wasiiraddu ay sharci-darro ku tilmaameen.
Shariif Sheekh Axmed ayaa sheegay in mar haddii Ra’iisul-wasaare C/wali Gaas uu ka mid noqday musharixiinta u taagan tartanka madaxtinimada ay xukuumaddiisu  wax qaraar ah soo saarin karin, sidoo kalena aysan wax saameyn yeelanayn.
Madaxweyne Shariif Sheekh dhanka kale wuxuu rajo ka muujiyay in 20-ka Agoosto ka hor ay diyaar noqdaan xildhibaanada Baarlamaanka si loo qabto doorashada madaxtinimada.