Friday, May 24, 2013 Wakhtiga Geeska Afrika 02:59

War / Soomaaliya

Kismayo oo Hilibka Waraabaha Laga Cuno

x
Qiyaasta qoraalka - +
Mohamed OladAhmed Hassan Olad
Cunista hilibka waraabaha ayaa ku soo badaneysa magaalada Kismayo ee xarunta gobolka Jubbada Hoose, waxaana lagu iibiyaa suuqyada

Cunista Hilibka waraabaha oo ah arin ku cusub mujtamaca Somalida dhexdeeda ayaa culumo uu ka mid yahay Sheekh Maxamed Cabdi Umal ay sheegeen in diiniyan la ogolyahay in la cunno hilibka waraabaha.

Waxaa  si aan qarsoodi aheyn loogu iibiyaa hilibka waraabaha iyo subagiisaba meelo ka mid ah Kismayo iyo maqaayado.

Qaar ka mid ah dadka gobolka ayaa wer wer ka muujiyay dhaqanka ku cusub.
Warbixin ku saabsan arintaasi oo ay noo diyaarisay wariyeheena Sahra Cabdi Axmed halkan hoose ka dhageyso.