Isku xirrada

War Deg-Deg ah

AMISOM: Askari baa Naga Dhintay, 15 Waa Dhaawac


Qaar ka tirsan Askarta AMISOM oo ku sugan Muqdisho.
Qaar ka tirsan Askarta AMISOM oo ku sugan Muqdisho.

Ciidamada AMISOM ayaa sheegay in hal askari uu ka dhintay 15-kalena ay dhaawacmeen kadib markii laba bambooyinka gacanta ah ay ku qarxeen .

Ciidamada AMISOM ayaa sheegay in hal askari uu ka dhintay 15-kalena ay dhaawacmeen kadib markii laba bambooyinka gacanta ah ay ku qarxeen ciidamada AMISOM ee ku sugan xerada Maslax ee magaalada Muqdisho.

AMISOM ayaa bogga ay ku leedahay twitter-ka waxay ku sheegtay in Bambaannooyinka qarxa ay si lama filaan ah ugu qarxeen askariga dhintay.

AMISOM waxay sheegtay in 15 askari ee dhaawacmay ay xaaladdoodu fiican tahay haatanna lagu daaweynayo cisbitaalka.​

XS
SM
MD
LG