Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Al-Shabab oo Afgooye ku Dishay Askar Boolis


15 booliska ka tirsan ayaa ku dhintay weerarka maleeshiyada ururka Al-Shabab ay ku qaaday saldhig ay ciidamada dawladda Soomaaliya ku sugnaayeen oo ku yaalla cirifka waqooyi ee magaalada Afgooye.

Saraakiisha dawladda ee Afgooye ayaa VOA u sheegay in maleeshiyada Al-Shabab ay soo weerareen saldhiggaasi 2-dii habeennimo.

Guddoomiyaha gobolka Shabeellaha Hoose, Cabdiqaadir Siidii ayaa VOA u sheegay baabuur ay lahaayeen ciidanka halkaasi ku sugnaa ayay qabsadeen ururka Al-Shabab.

Cabdullaahi Maxamed Xaaji Cali oo ah Taliye Ku Xigeenka Booliska ee Afgooye ayaa sheegay in ciidanku ay dib usoo qabsadeen laba ka tirsan baabuurtaas

Sarkaal magaciisa qariyay oo ka tirsan dowladda ayaa VOA u sheegay in tiro ciidamo militariga dowladda ka tirsan ay ku dhinteen dagaal labaad oo ka dhacay deegaan lagu magaacaabo God Doofaar oo Afgooye uga toosan dhinaca Waqooyi Bari.

Guddoomiyaha gobolka C/qaadir Siidi ayaa xaqijiyay dhimashada ciidamada, balse wuxuu diiday inuu sheego tirada dhimatay.

XS
SM
MD
LG