Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Ajaaniib Ku Afduubnaa Somalia Oo La Furtay


Dadkan ayaa waxaa lagu soo furtay howlgal qorsheysan, kadib markii lasoo ogaaday guriga lagu haystay oo ku yaalla degmada Cadaado.

Ciidamada maamulka GALMUDUG ayaa weerar ay qaadeen kusoo furtay dad ajaaniiib ahaa oo afduub ay u heysteen koox burcad ah.

Dadka lasoo furtay oo ahaa afar qof oo u dhashay dalka Iran, ayaa waxaa lagu haysta magaalada Cadaado ee gobolka Galgaduud.

Dadkan ayaa waxa ay qeyb ka ahaayeen 13 qof oo kooxaha burcad badeedda ay kasoo afduubteen markab ay saarnaayeen, balse markii ay isku khilaafeen ay kala qeybsadeen maleeshiyada burcad badeedda.

Weerarka ay qaadeen ciidamada GALMUDUG ayaa la sheegay inuu ahaa howlgal qorsheysan, kadib markii lasoo ogaaday guriga lagu haystay dadkan Iiraaniyiinta ah ee ku yaalla degmada Cadaado.

Qaar ka mid ah maleeshiyadii haysatay dadkan, ayaa sidoo kale lagu warramay in ciidamada ammaanka GALMUDUG ay gacanta kusoo dhigeeen.

Faahfaahin arrintan la xiriirta waxaan ka wareysanay weriyaha VOA Cabdiwaaxid Macallin Isxaaq oo ku sugan Gaalkacyo.

Howlgalka Cadaado
please wait
Embed

No media source currently available

0:00 0:03:40 0:00

XS
SM
MD
LG