Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Baraawe: Al-Shabaab oo Sarkaal iska Dishay


Maleeshiyada Al-shabaab
Maleeshiyada Al-shabaab
Wararka ka imanaya magaalada Baraawe ee gobolka Shabeellada Hoose, ayaa sheegaya in iska horimaad shalay galab ka dhacy halkaasi uu ku dhintay sarkaal darajo-dhexe oo ka tirsan Al-Shabab.

Iska horimaadkan ayaa la sheegay inuu dhacay kaidb markii cIidanka Amniyaadka ee sida weyn u taageera Amiirka Al-Shabab ay isku dayeen inay qabtaan xubno ka tirsan ururka oo taageersanayaa ninka Maraykanka ah ee Cumar Xamaami oo sidii kale loo yaqaan Abu Mansuur Al-Amrirki.

Warar aanu ka helnay ilo lagu kalsoon yahay ayaa VOA u sheegay in afar ka mid ah taageerayaasha Al-Amriki oo iskugu jirta Soomaali iyo Ajaanib lagu qabtay iska hormaadka.

Maxamed Faarax Al-Ansaari waxa uu horey uga tirsanaan jiray ururka Al-Shabab, VOA ayuuna uga waramay sida u u jiraan wararka sheegaya in garabyo ka tirsan Al-Shabaab ay ku dagaalameen magaalada Baraawe ee gobalka Shabeelada Hoose.

please wait

No media source currently available

0:00 0:05:03 0:00
XS
SM
MD
LG