Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Wararkii ugu Danbeeyey ee "Jubbooyinka"


Iyadoo maalmahan uu jawhareer ka taagnaa shirka la doonayo in maamul loogu sameeyo gobollada Jubbooyinka ee koonfurta Somalia, ayaa waxaa maanta magaalada Kismaayo kaga dhawaaqey inay gebi ahaanba isaga baxeen shirkaasi qaar ka mid ah beelihii ka qeybgalayey.

Dhowaan madaxweynayaasha dalalka xubnaha ka ah urur goboleedka IGAd waxay go’aansadeen inay wafdi xaqiiqo raadis ah u diraan halkaasi si la isugu dayo in xal loo helo muranka weyn ee ku saabsan sharci ahaanshaha shirka.

Cumar Buraale Axmed oo ah xildhibaan hore, una hadley beelaha sheegtey inay shirka ka baxeen ayaa VOA u waramay

Dhinaca kale shirka magaalada Kismaayo oo ay ka soo horjeesatey dowladda federalka Soomaaliya iyo qaar ka mid ah beelaha halkaasi dega, ayaa waxaa guddiga hoggaanka shirka wada ay ku doodayaan in wax walba ay si habsami ah u socdaan. Cabdinaasir Guure Faarax oo sheegey inuu yahay afhayeenka shir guddoonka, ayaa isna VOA u waramay.

Wareysiyda labadan mas'uul halkan hoose ka dhageyso.

please wait

No media source currently available

0:00 0:11:37 0:00
XS
SM
MD
LG