Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Xaaladda Jabuuti oo Dhexdhexaadin lagu Baaqay


Cabdiraxmaan Waaberi, Qoraa iyo Bare Jaamacadeed oo reer Jabuuti ah
Cabdiraxmaan Waaberi, Qoraa iyo Bare Jaamacadeed oo reer Jabuuti ah
Ciidamada booliska Djibouti ayaa ka la eryay qaar ka mid ah ardayda Jaamacadda Jabuuti iyo dugsiyada oo banaanbax maanta dhigay. a

Xaalaadda xaafadaha ku yaalla caasimadda ayaa deggan inkasta oo isku-dhacyo ay booliska iyo dibadbaxayaasha ku dhex mareen xaafadda Balbala ee duleedka caasimadda.

Xiisaddan ayaa ka dhalatay natiijadii doorasahada Baarlamaanka oo ay ururada mucaaradku diideen in ay aqbalaan.

Mucaaradku ha joojiyaan Mudaaharadka, Dawladduna wada hadal ha ogolaato
Madaxa Xisbiga CDU, Cumar Cilmi Khayre
Hoggaamiyaha Xisbiga dhex dhexaadka ah ee CDU, Cumar Cilmi Khayre, ayaa ugu baaqay Isbahaysiga Mucaaradka ee USN in ay joojiyaan dibad baxyda, waxaana uu sidoo kale ugu baaqay isbahaysiga talada haya UMP inay sii daayan dhalinyarada la xidhay oo ay bilaabaan wada hadal lagu xalinayo khilaafka taagan.

Xadhigga iyo Rabshaddu xal ma aha
Cabdiraxmaan Waaberi, Qoraa iyo Bare Jaamacadeed oo reer Jabuuti ah

Cabdiraxmaan Waaberi oo ah qoraa u dhashay Jabuuti waxna ka dhiga Jaamacadda George Washington University ee magaalada Washington DC ee dalka Maraykanka, ayaa sidoo kale tilmaamay in loo baahanyahay in meel dhexe la isugu yimaaddo.

Qoraaga ayaa dhaliilay qaabka ay xukuumadda Jabuuti uu maamulayso talada dalka, isaga oo ku baaqay in ay labada dhinac is dhegaystaan lana ogolaado codsiga shacabka.

Waraysiyada Qoraaga Cabdiraxmaan Waaberi iyo hoggaamiyaha xisbiga CDU, Cumar Cilmi Khayr ka dhegayso qaybta hoose ee boggan.


please wait

No media source currently available

0:00 0:05:07 0:00

please wait

No media source currently available

0:00 0:05:20 0:00
XS
SM
MD
LG