Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Wasiirro ka socda Dowladda oo Tagay Kismayo


Wasiirro ka tirsan dowladda Soomaaliya ayaa maanta gaaray magaalada Kismaayo ee gobolka Jubbada Hoose oo ay ka jirto xiisad ka dhalatay dagaal magaaladaaasi maalinmadii Sabti ku dhexmaray laba maleeshiyo oo ka tirsan ciidamada magaalada ka taliya.

Wasiiraddan oo ay ka mid yihiin wasiirka arrimaha gudaha, gaashaandhiga iyo maaliyadda ayaa waxaaa ujeeddada safarkooda luu yahay sidii ay u dajin lahaayeen xiisadda, waxaana la sheegayaa inay garoonka diyaaradaha ee Kismaayo ay wadahadallo kula leeyihiin xubno ka tirsan maamulka iyo odoyaal.

Is-gaarsiinta magaalada Kismaayo oo go’an darteed ayaan si rasmi ah loo ogeyn kulamada dhinacyada iyo waliba waxay ka wadahadleen.

Safarka wasiiraddan ayaa sidoo kale ku soo beegmaya iyadoo dowladda Soomaaliya ay dhinacyada siyaasadda ee gobolka ku casuuntay shir lagu qaban doono Muqdisho oo looga tashanaya arrimaha gobollada Jubbooyinka.
XS
SM
MD
LG