Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Al-Shabaab oo Garoowe lagaga Banaanbaxay


Bannaanbax ballaadhan oo looga soo horjeedo ururka Al-Shabab ayaa maanta ka dhacay magaalada Garoowe. Bannaanbaxa ayaa yimid iyadoo dhowaan magaalada Garoowe lagu dilay Sheekh Caan ahaa oo lagu magacaabi jiray Sheekh Cabdulqaadir Nuur Faarax.

Bannaanbaxa ka dhacay magaalada Garoowe waxaa ka hadlay qaar ka mid ah culimada Soomaaliyeed oo si weyn u dhaliilay ururka Al-Shabab iyo ahdaafta ay ku socdaan.

Waaxaa iyaguna halkaasi joogay qaar ka mid ah hoggaamiyaasha dhaqanka gaar ahaan isimada Puntland oo sheegay inay taageersan yihiin in laga hortago ururka Al-Shabaab.

Madaxweynaha Maamul Goboleedka Puntland Cabdiraxmaan Maxamed Faroole, oo ka hadlayey banaanbaxa ayaa sheegay in dilkii Sheekh Cabdulqaadir Gacamaye ay u qabteen ilaa 50 qof oo ay ku jiraan dumar iyo weliba dad ajaanib ah, waxaana uu sheegay in maxkamad la hor gayn doono eedaysanayaashaasi.

Warbixinta oo dhan halka hoose ka dhageyso.

please wait

No media source currently available

0:00 0:02:53 0:00
XS
SM
MD
LG