Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Pistorius oo Damiin lagu sii Daayey


Orodyahanka Koofur Afrika Oscar Pistorius ayaa lagu sii daayey damiin lacageed, iyadoo uu u diyaar garoobayo inuu wajaho eedaha ah inuu dilay haweeney ay saaxiibbo ahaayeen.

Xukunka sii deynta ciyaartoyga ee Jimcahan maanta oo qaatay muddo saacado ah, ayaa Garsoore Sare Desmond Nair waxa uu xukumay in Postorius la sii daayo. Waxaa damiin ahaan looga dhigay lacag gaareysa $112,000 oo doolar (boqol, toban iyo laba kun oo doolar)

Garoosaha oo in ka badan laba saacadood aqrinayey go’aankiisa, ayaa markii uu carabka ku dhuftay in Pistorius damiin lagu sii deynayo waxaa farxad la qeyliyey qoyskiisa oo maxkamadda joogay.

Pistorius ayaa xabsiga ku jiray tan iyo wixii ka danbeeyey markii uu dilay saaxiibtiis Reeva Steenkamp todobaadkii hore oo haatan laga joogo muddo sideed bari ah.

Garsoore Nair ayaa sheegay in aaney jirin wax caddeyn ah oo muujinaya inuu Pistorius baxsanayo hadii la sii daayo, ama uu qalalaase abuurayo amaba uu ka hor imaanayo baaritaanka booliiska.

Pistorius ayaa iska fogeeyey inuu saaxiibtiis si ula kac ah u dilay, isagoo sheegay inuu u qaatay inay tahay tuug xilli danbe guriga u soo dhacay.
XS
SM
MD
LG