Isku xirrada

War Deg-Deg ah

USAID oo $20 Milyan ugu Yaboohday Somalia


Hay’adda Horumarinta Caalamiga ah ee Maraykanka USAID ayaa kaalmo dhan 20 milyan oo doollar ugu yaboohday Soomaaliya si wax looga qabto adeegyada aasaasiga ah, cuntada iyo beeraha.

Madaxa USAID Rajiv Shah ayaa kaalmadaasi ku dhowaaqay maanta kadib markii uu booqasho ku tagay Muqdishu, halkaasi oo uu kula kulmay madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sh. Maxamuud.

Sidoo kale Mr. Rajiv Shah ayaa sidoo kale kulan la yeeshay reysul-wasaaraha Soomaaliya Cabdi Faarax Shirdoon "Saacid" iyo golihiisa wasiirada.

Warbixin ku saabsan booqashada madaxa USAID ee Muqdisho halka hoose ka dhageyso.

please wait

No media source currently available

0:00 0:05:16 0:00
XS
SM
MD
LG