Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Weerar lagu Qaaday Masjid ku Yaalla Kenya


Ugu yaraan 7 qof ayaa ku dhimatay weerar rag hubeysan ay ku qaadeen masjid ku yaalla tuulada Malleelay oo ka tirsan degmada Dhadhaab, kuna dhow xadka Kenya iyo Soomaaliya.

Ragga weerarka soo qaaday oo ku hubeysnaa qoryaha boobayaasha ah ee AK 47 ayaa waxa ay dileen shan rag ah iyo laba haween ah, sida ay booliisku xaqiijiyeen.

Wararka qaar ayaa sheegaya in kooxda weerarka soo qaaday ay gubeen guryo ku yaalla masaajidka hareerihiisa ka hor intii aaney baxsan.

Deeqow Muxumad Ducaale oo ka tirsan waxgaradka tuulada Malleeley oo u waramay VOA, ayaa sheegay in dadka la dilay uu ku jiro imaamkii masaajidka.

Mi jiraan ilaa iyo hadda cid sheegatay masuuliyadda weerarka amaba la tuhmayo inay ka danbeeyaan weerarkan.


Wareysiga Deeqoow Muxumad Ducaale halka hoose ka dhageyso.

please wait

No media source currently available

0:00 0:03:24 0:00

Sidoo kale waxaa weerarka ka hadlay guddoomiye ku xigeenka Baarlamaanka Kenya Faarax Macalin oo ka qeyb galay duugtii dadka lagu laayey masaajidka, wareysi aan la yeelanay halka hoose ka dhageyso.

please wait
Embed

No media source currently available

0:00 0:05:51 0:00


XS
SM
MD
LG