Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Culimo Go'aan Diiniya ka soo Saaray Al-Shabab


Qaar ka mid ah culimada go'aanka diiniga ah ka soo saartay magaalada Garoowe oo warbaahinta la hadlaya.
Qaar ka mid ah culimada go'aanka diiniga ah ka soo saartay magaalada Garoowe oo warbaahinta la hadlaya.
Qaar ka tirsan culimada Soomaaliyeed kuwooda ugu caansan ayaa soo saaray go’aan diiniyan ah oo ay ku cambaaraynayaan ururka Al-Shabab oo ay ku eedeeyeen inay ku hawlan yihiin sida ay hadalka u dhigeeen “baabi’inta waxgaradka”.

Bayaan ka kooban 10 qodob ayaa culimada Al-Ictisaam waxa ay ka soo saareen magaalada Garoowe oo dhowaan lagu dilay Sheekh Cabdiqaadir Nuur Faarax “Gacamay"

Culimada ayaa dilka Shiikha ku eedeeyey ururka Al-Shabab, waxa ayna mar kale ku celiyeen baaqoodii ahaa in la qabto shirweyne looga hadlo dhibaatada lagu hayo culimada.

Warbixinta go'aanka diiniga ah ee ay culimadu ku canbaareynayaan Al-Shabaab halka hoose ka dhageyso.

please wait

No media source currently available

0:00 0:07:11 0:00

Dhinaca kale mid ka mid ah culimada Ahlu sunna Wal-jamaaca oo lagu magacaabo Sh. C/raxmaan Sh.Muxudiin Celi, ayaa VOA u sheegay inuu soo dhaweynayo go'aanka diiniga ah ee ay culimadu ku cambaareeyeen Al-Shabaab, hase ahaatee waxa uu xusay in loo baahan yahay in si guud looga hadlo dhibaatada Al-Shabaab.

Wareysiga Shiikha oo dhan halka hoose ka dhageyso.

please wait

No media source currently available

0:00 0:06:35 0:00
XS
SM
MD
LG