Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Madaxweyne Chavez oo Dalkiisa Dib ugu Laabtay


Madaxweynaha wadanka Venezuela Hugo Chaves, ayaa dib ugu laabtay dalkiisa ka dib markii in ka badan laba bilood cudurka kansarka looga daweynayey wadanka Cuba.

Madaxweynaha ayaa dib ugu laabtay magaalada Caracas sida lagu xaqiijiyey barta Twitter-ka ee madaxweyne Chavez goor sii horeysay oo Isniintan aheyd. Qoraalkiisa ayuu ku yiri mdaxweynuhu "Is-daaweynta halkan ayaan ka sii wadi doonaa.

Hogaamiyaha Venezuela ayaa bishii December lagu qalay magaalada Havana ee wadanka Cuba, qaliinkaas oo socday muddo lix saacadood ah ayaa ahaa kii afaraad ee lagu sameeyo tan iyo markii la ogaaday inuu qabo cudurka Kansarka bartamihii sanadkii 2011kii.

Heerka kansarka uu qabo Chavez iyo nuuca uu yahay ayaa ah mid qarsoon oo aan la shaacin.

Bishii January ee sanadkan ayaa madaxweyne ku xigeenka dalka Venezuela Nicolas Maduro waxa uu sheegay in xaaladda uu ku jiro madaxweyne Chavez ay tahay mid nugul.

Warbixin ku saabsan noqoshada Madaxweyne Chavez halkan hoose ka dhageyso.

please wait

No media source currently available

0:00 0:02:44 0:00
XS
SM
MD
LG