Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Alshabaab: Waxaan Dilnay Askari Kenyan ah


Kooxda Alshabaab ayaa sheegtay inay dileen askari Kenyan ah oo ay maxbuus ahaan u haysteen. Alshabaab ayaa ku goodisay in ay sidoo kale dili doonaan shan maxbuus oo kale hadii Kenya aaney oofin dalabkooda.

Qoraal ka soo xabay Alshbaab ayaa lagu sheegay in kooxdu ay xalay saqdii dhexe dileen askariga Kenyan-ka ah, ka dib markii dowladda Kenya ay waqtigii loo qabtay ku sii dayn waysay maxaasiib sida la sheegay dalkeeda ugu xiran danbiyo la xiriira argagaxisanimo.

Alshabaab ayaa sheegtay in muddo 72 saac gudahood ah ay ku dili doonaan shan kale oo maxaabiis Kenyan ah oo ay hayaan hadii aan dalabkooda la aqbalin.

Kenya ayaa sheegtay in aaney la xaajoon doonin kooxda Alshabaab, ayna rumeysan yihiin in dad ka tirsan ciidankooda aaney u xirneyn Alshabaab, balse Afhayeenka ciidamda Kenya Cyrus Oguna oo la hadlay Laanta Afsoomaaliga ee VOA, ayaa sheegay in shaqsiga ay sheegeen Alshabaab inay dileen uu yahay qof shacab ah oo lumay ee aanu aheyn askari Kenyan oo dagaal lagu qabtay.

Warbixinta oo dhan halka hoose ka dhageyso.

please wait

No media source currently available

0:00 0:03:02 0:00
XS
SM
MD
LG