Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Dowladda: Cunaqabateynta Hubka ha la Qaado


Fadhiga Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay
Fadhiga Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay
Dowladda Somalia ayaa ka dalbatay Golaha Amniga ee QM oo maanta kulmay in la qaado cunaqateynta saaran dalka Soomaaliya. Golaha amniga ee QM ayaa haatan waxay yeelayaan shir ay uga hadlayaan arrimaha Soomaaliya.

Wasiirka arrimaha dibedda ee Soomaaliya Marwo Fowsiyo Yusuf Xaaji Aden ayaa golaha ka codsatay in la qaado cunaqateynta hubka ee saaran Soomaaliya, waxayna sheegtay inay ku rajo weyn tahay in goluhu uu codsigaasi aqbali doono markuu go'aanno soo saaro bisha March ee soo socota.

Wasiirka Gaashaandhiga, C/xakiin Xaaji Maxamuud Fiqi ayaa VOA u sheegay in cunaqateyntu saaran ay ciidamada dowladda ka hortaagan tahay sugida amniga guud ee Soomaaliya.

Wasiirka wuxuu kaloo sheegay inaysan dowladda Soomaaliya la socon hub ka yimaada dalka Iran oo lagu xusay warbixin ka soo baxday guddiga QM ee kormeerra cunaqateynta hubka ee Soomaaliya iyo Eritrea.

please wait

No media source currently available

0:00 0:04:32 0:00
XS
SM
MD
LG