Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Qarax ka Dhacay Magaalada Baladweyne.


Wararka ka imaanaya magaalada Baladweyne ee goblaka Hiiraan ayaa sheegaya in qarax ka dhacay meel u dhow maqaaxi ku taala xaafadda Howl-wadaag ee magaalada kaasi oo sababay dhaawac iyo dhimasho.

Goob joogayaal ayaa VOA u xaqiijiyey in Qaraxan uu ku dhintay hal qof iyadoo laba qof oo kalena ay ku dhaawacmeen. Qaraxan ayaa waxaa la aaminsan yahay inuu ka dhashay miino lagu aasay wadada hormarta maqaayadda.

Qaraxan ayaa dadka ay dhibaatadu ka soo gaartay waxaa la sheegay inay dhamaantoodba ahaayeen dad rayid ah. Mana jirto ilaa iyo hadda cid sheegatay mas’uuliyadda qaraxa.

Ciidamada Amniga oo goobta gaaray ayaa dubraba bilaabay baaritaano inkastoo aanu jirin ilaa xiligan dad loo soo qabtay qaraxa
XS
SM
MD
LG