Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Qarax ka Dhacay Magaalada Gaalkacyo


Wararka ka imaanaya magaalada Gaalkacyo ee bartamaha Soomaaliya ayaa sheegaya in qof isa soo miidaamiyey uu weeraray sarkaal sare oo ka tirsan ciidamada Amaanka ee Puntland oo ku sugnaa meel u dhow saldhigga booliiska ee magaalada.

Saraakiisha ciidanka booliiska ee Puntland, ayaa sheegay in qaraxa uu ku dhaawacmay taliye ku xigeenka ciidanka booliiska Puntland Muxudiin Axmed Muuse iyo 13 qof oo kale oo isugu jira askar iyo dad rayid ah.

Saraakiisha ayaa sheegay in qaraxa uu ku dhintay hal qof oo ahaa kii isa soo miidaamiyey.

Kooxda Al-Shabaab ayaa sheegatay mas’uuliyadda qaraxa, waxa ayna sheegeen in ugu yaraan 6 qof ay ku dileen weerarka.

Halkan ka dhageyso warbixinta qaraxa Gaalkacyo

please wait

No media source currently available

0:00 0:04:13 0:00
XS
SM
MD
LG