Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Axmadinejad: Cidina Naguma Qasbi Karto Wadahadal


Madaxweynaha Iran ayaa sheegay in Xukumadda Tehran aan lagu cadaadin karin wada xaajood ay ka gasho, barnaamijkeeda hubka Nukliyeerka ee lagu muransanyahay.

Maxamud Axmadi Nejad, ayaa muujiyay Maanta oo Axad ah in laga yaabo in wadahalada ku saabsan Nukliyeerka ay sii socdaan, hadii buu yiri cadowga Iran aysan ka wareejin qoryahooda ku jiheysan dhinaca Iran.

Madaxweynaha ayaa hadalkan sheegay Maanta oo Axad ah isagoo ka qeybgalayay isu soo bax ka dhacay magaalada Tehran oo lagu xusayay sanad guurada 34aad ee Kacaanka Islamiga ah ee Iran ee xukunka ka tuuray boqortooyadii uu Mareykanka taageersanaa ee Shaah sanadkii 1979kii.
Dibad baxayaasha ayaa lulay calamo waxeyna ku dhawaaqayeen “ha dhacaano Mareykanka iyo Israel.”

Khudbadda Madaxweyne Nejad ayaa si toos ah looga tabinayay Telefishinka dalkaasi Iran.

Hase yeeshee Madaxweyne Nejad awood uma laha go’aan ka gaarista wada xaajood laga galo Barnaamijka Nukliyeerka ee Iran, waxaa awoodaa iska leh, Hogaamiyaha Sare ee Iran Ayatullah Cali Khamenei, kaasoo horaantii bishan gaashaanka u daruuray – baaq ka soo yeeray Mareykanka oo ku aadanaa wada hadal toos ah oo ay Iran ka gasho Barnaamijkeeda Nukliyeerka, inta buu yiri Khamenei cunaqabateynada iyo cadaadisyada kale ee lagu hayo Iran la qaadayo.
XS
SM
MD
LG