Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Duufaan Baraf Wadata oo Ku Dhufatay Mareykanka


Gobolada Waqooyi Bari Mareykanka oo ay ku jiraan magaalooyinka New York iyo Boston, ayaa waxaa saameeyay duufaano baraf wata oo ku dhuftay gobolka.

Dabeylo xoogga oo ku socda xawaare ka badan 100 KM saacadii ayaa xalay ka jiray Waqooyi Bari Mareykanka, iyadoo qolyaha saadaasha hawadana ay sheegayaan in Baraf baaxadiisa lagu qiyaasay 60 centimeters laga yaabo inuu ka da’o meelaha qaar, ka hor inta aaney duufaantu u gudbin dhinaca badda Maanta oo Sabti ah Gelinka Dambe.

Boqolaal Kun oo Guryo ah iyo goobo ganacsi ayaa waxaa saameeyay duufaanta. Kumanaan duulimaadyo ahna waa la baajiyay, waxaana xiran garoomada Magaalooyinka New York iyo Boston.

Wax tareen ah oo ka baxaya ama galaya labaadi magaalo ayaan jirin. Jidadka Magaalada ayaa deggan, iyadoo meelo badan oo gobolka ahna gawaaridda laga mamnuucay jidadka.

Gudoomiyeyaasha gobolada New York, Massachusetts, Rhode Island, Connecticut iyo Maine ayaa ku dhawaaqay xaalad deg deg ah.

Xaaladaha duufaanta ayaa la saadaalinayaa inay noqdaan kuwo dhimasho keni kara, iyadoo qabowga uu gaari doono meel hoose, dabeylo xooggan iyo ceryaamana ay dabooli doonaan aragtida.

Duufaantan xilliga qaboobaha ayaa ku soo beegmeysa iyadoo gobolada New York iyo New Jersey aaney weli si buuxda uga soo kaban duufaantii xooganeyd ee Sandy eek u dhufatay bishii October.

Qolyaha wax saadaaliya ayaa sheegaya in duufaantan cusub laga yaabo inay la mid noqoto tii dhacday sanadkii 1978dii ee ku aastay Boston, baraf gaaraya 70 centimeter isla markaana curyaamisay New England muddo maalmo ah.
XS
SM
MD
LG