Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Ra'iisal Wasaaraha oo Booqday Beledweyne


Ra'iisal Wasaaraha Soomaaliya
Ra'iisal Wasaaraha Soomaaliya
Ra’iisal wasaaraha ayaa waxaa socdaalkiisa ku wehelinaya wasiirro ka tirsan xukuumaddda Soomaaliya iyo Safiirka dawladda Jabuuti u fadhiya Soomaaliya Danjire Dayib Dubad Rooble, Xildhibaanno iyo saraakiil kale oo katirsan dawladda Soomaaliya.

Wafdiga ayaa waxaa garoonka diyaaradaha ee magaalada Beledweyne ku soo dhaweeyay saraakiisha ciidamada dowladda Soomaaliya iyo kuwa ka socda dalka Jabuuti ee qeybta ka ah AMISOM, odoyaal dhaqameed, iyo dadweyne ka mida bulshada gobolka.

Wafdiga ayaa xaruunta ciidamada AMISOM ee magaalada Baladweyne kulan kula yeeshay Saraakiisha ciidamada AMISOM iyo madaxda maamulka degmadaasi.

Ra’iisal wasaaraha ayaa socdaal ku soo maray qaybo kala duwan oo magaalada ah, isaga oo soo eegay goob dhawaan uu dagaal ku dhexmaray kooxda al Shabaab iyo ciidamada Jabuuti ee qaybta ka ah AMISOM.

Wafdiga Ra’iisal wasaaraha ayaa kulamo la yeelanaya madax dhaqameedka Gobolka.

Gobolka Hiiraan ayaa ka mid ah gobolada laga saaray kooxda al Shabaab, waxaana ka jira maamul.

Ra’iisal wasaaraha ayaa tilmaamay in xukuumaddiisu ay taageerayso nabadgaliyda ka jirta gobolka iyo sidii loo sii horamarin lahaa.

Safarka Ra’iisal wasaaraha ayaa ku soo beegmaya isaga oo dhawaan socdaal ku tagay magaalada Marka ee gobolka Shabeelada hoose.
XS
SM
MD
LG