Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Moon: Waan ka Xumaaday Xukunka Maxkamadda


Xoghayaha guud ee QM, ayaa sheegay inuu si weyn uga xumaaday xukunka halka sanno ah ee lagu ridday haweenayda Soomaaliyeed ee sheegtay inay kufsadeen ciidanka dowladda iyo wariyaha wareysiga la yeeshay.

Ban-ki Mon ayaa ku booriyay dowladda Soomaaliya inay hubiso in si buuxda loo baaro dhamaan eedeymaha rabshaddaha dhinaca galmadda la xiriira isla markaana cadaalladda la hor-keeno kuwa danbiybiyaadaasi geysta. Mr. Moon, wuxuu sheegay inay lama huraan tahay in xuquuqda haweenayda dhibanaha ah iyo weriyahaba ay helaan cadaalad iyo garsoor xaq ah, oo ay ku jirto xaqa ay u leeyihiin racfaan inay qaataan, taasina si buuxda loo ixtiraamo.

Dhinaca kale, hay'addaha xuquuqda aadanaha u doodda iyo kuwa warbaahinta ayaa ku baaqay in la laalo xukunka maxkamaddu ridday lana sii daayo weriyaha.

Hay;’addahan ayaa sheegay in xukunka maxkamaddu uu yahay mid dib u dhac ku keenaya soo afjaridda rabshaddaha dhinaca galmada la xiriira iyo ilaalinta xoriyadda saxaafadda.


please wait
Embed

No media source currently available

0:00 0:05:02 0:00


please wait
Embed

No media source currently available

0:00 0:05:02 0:00
XS
SM
MD
LG