Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Qarax ka Dhacay Safaaradda Maraykanka Turkey


Qarax ayaa maanta ka dhacay bannaanka hore ee safaaradda Maraykanku ku leeyahay magaalada Ankara. Ugu yaraan 2 qof oo ka mid ah ciidamada ilaalada safaaradda ayaa dhintay.

Goobjoogayaal ayaa sheegayaa in qaraxan uu geystay qof isa-soo miidaamiyay.

Gaadiidka gurmadka deg-dega ah iyo shaqaalaha dab-damiska ayaa si deg-deg ah goobta uu qaraxu ka dhacay u gaaray.

Goobta uu qaraxu ku dhacay ayaa waxaa ku yaalla dhowr safaaradood oo ajanabi ah.

Sannadkii 2008-dii, saddex nin oo hubeysnaan iyo saddex boolis ah ayaa ku dhintay weerar ka dhacay bannaanka hore ee safaaradda Maraykanku ku leeyahay magaalada Istanbul.
XS
SM
MD
LG